Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay toogasho looga shakisan yahay in ay ka dhacday iskuul ku yaalla magaalada Graz ee dalka Austria.
Booliiska ayaa sheegay subaxnimadii Talaadada in la geeyey dugsiga kadib markii rasaas la maqlay.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria ayaa sheegtay in ay jiraan dhimasho dhowr ah balse ma aysan cayimin tirada. Warbaahinta Austria ayaa soo jeedisay in ugu yaraan siddeed qof la dilay.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo halka uu marayo.
Wixii qodobkan ku soo kordho waxaad kaga boggani dontaan wararkeena xigga.