Dhowr qof oo laga cabsi qabo inay dhinteen ka dib markii uu gaari ay saarnaayeen ku dhacay webiga Kiama

0
281

Dhowr xubnood oo hal qoys ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii gaari ay ku safrayeen uu ku dhacay webiga Kiama ee deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a.
Sida laga soo xigtay wararka shilkan ayaa aroortii hore ee saaka ka dhacay buundada Wacengu.
Baabuurka ayaa la sheegay inuu dadka ka qaadayay tuulada Kahunyo una waday munaasabad qoys.
Shilka ka dib, hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta si ay uga caawiyaan dadaallada samatabbixinta.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha amniga ayaasan shaacin tirada khasaaraha ama tirada saxda ah ee shakhsiyaadka saarnaa gaariga markii uu shilka dhacay.
Shilkan ayaa ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ee tirada sii kordheysa ee shilalka ka dhaca waddooyinka waaweyn ee dalka oo dhan.
Saacado ka hor, gaari nooca xamuulka qaado ayaa ku dhacay dukaan qalabka dhismaha lagu iibiyo oo ku yaal ismaamulka Kiambu.