Dhowr qof oo ku geeriyooday iska horimaadka ka taagan xadka Afghaanistaan iyo Pakistaan

0
129

Iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada Pakistaan iyo Afghaanistaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaannada u dhow xuduuda, iyadoo ay sii xoogeysaneyso colaada u dhaxeysa labada dal.
Labada dhinacba ayaa waxaa ay ku eedeeyeen midka kale inuu kiciyay rabshado lagu baaba’ay habeenimadii Talaadada kuwasoo ka dhacay Koonfurta Bari ee Afghaanistan ee degmada Spin Boldak iyo degmada Chaman ee Pakistaan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loogu yaqaanay Twitter, afhayeenka Taliban ee Afgaanistaan Zabihullah Mujahid ayaa ku eedeeyay ciidamada Pakistaan inay bilaabeen dagaalka xadka iyagoo “hubka fudud iyo kan culus” ku garaacay Afghaanistaan, iyagoo dilay 12 qof oo rayid ah in ka badan 100 kalena ku dhaawacay.
Cali Maxamad Haqmal, oo ah afhayeenka warbaahinta ee degmada Spin Boldak, ayaa ku sheegay dhimashada dadka rayidka ah 15 qof. Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan isbitaalka degmada ayaa sheegtay in 80 haween iyo caruur ay ku jiraan dadka dhaawaca ah.
Mujaahid ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Afghaanistaan ay ku jawaabeen rasaas, oo ay ku dileen “tiro badan” oo askarta Pakistaan ah iyagoo qabsaday hub iyo taangiyo ay leeyihiin saraakiisha Pakistan, isla markaana burburiyay saldhigyo milatari oo Pakistan leedahay.
Balse mas’uuliyiinta Pakistaan ayaa ku eedeeyay Afghaanistaan inay markii ugu horreysay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Pakistaan iyo deegaanno kale oo ku dhow xadka, taasoo sababtay iskahorimaadka oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen afar ka mid ah shacabkooda. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil dhinaca ammaanka ah oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in 6 askari oo Pakistani ah lagu dilay rabshadahaasi oo mid ka mid ah saraakiisha dalkaasi uu sheegay in ay socdeen muddo ku dhow shan saacadood.