Dhisme ku dumay Muqdisho oo dad ku dhinteen

0
272

Dhisme dhowr dabaq ka koobnaa ayaa xalay ku dumay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa laba qof ay ku dhinteen dhismaha dumay sida ay wararku sheegayaan.
Warbaahinta gudaha ayaa qaarkood ku warramay in dadka ku dhintay dhismaha dumay ay gaarayaan ilaa saddex qof islamarkaana ay yihiin carruur iyo hooyadood.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo tagay goobta uu ku dumay dhismuha ayaa u sheegay laamaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan iyo waxa sababay.