Dhinacyadii ku dagaalamay degmada Baraawe oo la kala qaaday

0
507

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka shabeelada hoose ayaa sheegay in goordhow la kala qaaday Ciidamada Ammaanka degmada iyo maleeshiyaadka hubeysan ee isku hor-fadhiyay gudaha Magaalada kadib shaqaaqo shalay ka dhacday Baraawe.
Odayaasha Dhaqanka Baraawe & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay kala durjiyaan labada dhinac ee kala ahaa ciidamada deegaanka iyo Maleeshiyaad hubaysan oo dhowr mar magaalada ka dagaalamay.
Maleeshiyaadka hubeysan oo kasoo horjeeda habka loo maamulay dhismaha Golaha degaanka degmada Baraawe ayaa shalay waxaay degmadaas kula dagaalameen Ciidamada Ammaanka.
Qaar kamid ah Beelaha degmada Baraawe ayaa cabasho ka muujiyay habka loo qeybsaday Golaha degaanka, iyagoo sheegay in wixii ay xaqa u lahaayeen aan la siin taasoo keenta gacan ka hadalkaas.