Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan oo saxiixday heshiis xabbad joojin ah

0
199

Ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee wadankaasi ee RSF oo dagaallamayey tan iyo 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayaa ku heshiiyay xabbad joojin.
Heshiiskan ayaa shaqeyn doono muddo isbuuc ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iskudhacyada saameeyay Suudaan ay ku barakaceen ilaa 1.1 milyan oo qof.
Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxaa dagaallada ku dhintay 705 ruux halka ay dhaawacmeen ugu yaraan 5,287 kale.
Heshiiska xabbad joojinta ee la gaaray galinkii dambe ee shalay ayaa dhaqangeli doono saacadda marka ay tahay abaare 9:45 habeenimo ee Isniinta.
Waxaa arrinkan si wadajir ah bayaan ugu shaaciyey dowladaha Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya oo kala dhexdhexaadinaya saraakiisha is haya.