Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

0
180

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaallamayay wadankaasi ayaa ku heshiiyay xabad joojin shaqeynaysa 72 saacadood.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo waddamada reer galbeedka , kuwa carbeed iyo dalalka qaaradda Aasiya ay muwaadiniintooda iyo dibloomaasiyiintooda ay ka daadgureynayaan gudaha Suudaan.
Militariga Suudaan ayaa sheegay in Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ay sameeyeen dhexdhexaadin horseedday heshiiska oo xalay dhaqan galay.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in is-afgaradka uu yimid ka dib wada xaajoodyo culus oo socday labo cishe.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa maanta yeelanaya shir ku saabsan xaaladda dalka Suudaan.