Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan oo ku heshiiyay badbaadinta rayidka

0
208

Ciidamada militariga dalka Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF oo dagaallamayey tan iyo 15-kii bishii hore ayaa isku afgartay inay xaqiijiyaan badbaadinta shacabka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday saraakiil u hadlay dowladda Maraykanka oo wado dadaallo lagu heshiisiinaya labada dhinac.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib wada hadallo muddo toddobaad ah ka socday magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maanta oo Jimco ah ayay militariga Suudaan iyo ciidamada RSF saxiixeen qaraar ku aaddan inay ka wada shaqeynayaan xabbad joojin ku meel gaar ah inta ay socdaan wada xaajoodyada.