Dhinacyada isku hayay gobolka Tigray ee Itoobiya oo ku heshiiyay bixinta gargaar baniaadannimo

0
195

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Itoobiya iyo kooxda gobolka waqooyi ee Tigray ee dhawaan ka heshiiyay colaad muddo u dhexeysay inay isku afgarteen in waddada loo furo gargaarka baniaadannimo ee la gaarsiinaya gobolkaasi.
Arrintan ayaa si degdeg ah u dhaqangalaysa si loo caawiyo dadka Tigray iyo gobollada dariska la ah ee gurmadka u baahan.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii labada dhinac ay wada hadallo ku yeesheen magaalada Nairobi.
Kulanka ayaa ku saabsanaa in si buuxda loo dhaqangeliyo heshiis la gaaray 10 cisho ka hor.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay isku afgarteen in aan sinnaba loo carqaladeyn barnaamijyada gurmadka ee loogu talagalay shacabka gobolkaasi.
Heshiiskan waxaa saxiixay madaxa shaqaalaha ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Itoobiya Berhanu Jula iyo dhigiisa TPLF Tadesse Worede.
Waxaa isafgaradkan dhexdhexaadinayay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasango oo matalaya Midowga Afrika.