Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada dagaalamay ay isku qabteen lacago laga qaado Gaadiidka laga raro Ex-kontorool Afgooye, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay laba askari oo dhinacyada dagaalamay ah iyo Afar qof oo Shacabka.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan inay jiran dad rayid ah oo dagaalka ku dhaacmay, waxana inta uu dagaalka socday istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, sidoo kalena ay xirmeen Goobaha Ganacsiga wallow markii dambe dib loo furay.
Qof kamid ah dadka ku Ganacsada Aaga Ex-koontorool Afgooye ayaa Risaala u sheegay in xilliga dagaalka uu dhacayay ay Goobta aheyd meel mashquul badan, isla markaana dagaalka saameynta ugu badan uu ku yeeshay dadka Shacabka ah.
Laamaha Amniga dowladda Federalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, iyada oo bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen isku-dhacyada Ciidamada dowladda dhexdooda ah.