Dhimashada oo sare u kacday ka dib shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Kisumu-Kakamega

0
440

Dhimashada shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay Mamboleo, ee ismaamulka Kisumu, ayaa kor u dhaaftay 25, iyadoo afar kale oo dhibanayaal ah ay u dhinteen dhaawacyadooda iyadoo lagu daweynayo isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga .
Bas iskuul oo dad baroor diiqaya ka soo qaaday Nyahera kuna socday Nyakach ee ismaamulka Kisumu ayaa rogmaday taasi oo keentay shilka.
Isagoo xaqiijinaya dhacdadan, sarkaalka fulinta taraafikada ee gobolka Nyanza Peter Maina ayaa sheegay in dhimashada ay kala yihiin 10 rag ah, 10 dumar ah iyo ilmo sideed bilood jira.
20 qof oo kale oo ka badbaaday shilka ayaa loola cararay Isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga si loogu dabiibo, iyadoo 5 ruux ay xaaladoodu liidato.
Meydadka dadka dhintay ayaa loo qaaday qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka Jaramogi.