Waxaa sare u kac ku yimid saacadihii la soo dhaafay shilal gaari oo ka dhacay wadada isku xirta ismaamulada Nakuru iyo Nakuru.
Ku dhawaad 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilal kala duwan oo ka dhacay Nakuru iyo Nakuru.
Shalay ayay ahayd markii In ka badan 14 ay ku dhinteen shil ka dhacay ka dhacay meel u dhow Kikopey oo ka tirsan deegaanka Gilgil gaar ahaan waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nakuru iyo Nairobi .
Taliyaha booliiska ee Nakuru Emmanuel Opuru ayaa sheegay in rakaabka ay ku safrayeen gaadiidka dadweynaha oo ku wajahnaa Nakuru ka hor inta aynan isku dhicin baabuurka iyo mid xamuul.
Opuru ayaa laga soo xigtay in mataatuuda ay isku dayeysay in ay dhaafto gawaarida kale .
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in saddex qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus waxaana ka mid ah labo carrurur ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in goobtaasi ay tahay meel ay shilal badan ka dhacaan isagoo maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ka codsaday inuu waddadaasi ballaariyo.
Meydadka dadka shilka ku nafwaayey ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Gilgil halka dhaawacana lagu daweeynaya xaruntaasi.