Dhimashada oo gaartay 300 ka dib roobab ka da’ay dalka Pakistan

0
434

Dhimashada roobabkii mahiigaanka ahaa ee sababay dhul go’ iyo daadad ka dhacay waqooyiga Pakistan ayaa gaartay ugu yaraan 300 qof, sida ay sheegtay hay’adda musiibooyinka dalkaas.
Inta badan dhimashada, 211, ayaa laga diiwaan geliyey gobolka buuraleyda Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed Pakistan, iyadoo shan kale ay ku dhinteen gobolka waqooyiga ee Gilgit-Baltistan iyo sagaal ka mid ahna waxaa ay ku nafwaayeen Gobolka Kashmir oo ay qeyb ka maamusho dowlada Pakistan .