Wararka naga soo gaaraya dalka Filibiin ayaa sheegaya in ay dhinteen ugu yaraan 29 qof halka 50 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada militariga ee wadankaasi.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Filibiin ayaa xaqiijisay in dhacdadan laga soo tabiyay dhanka Koonfureed.
Waxay wasaaraddu xustay in diyaaradda ay siday 92 qof iyadoo dhanka kale beenisay in burburkeeda uu salka ku hayo weerar lala eegtay.
Diyaaradda oo ahayd C-130 ayaa soo dhacday xilli ay doonaysay inay ku degto jasiiradda Jolo oo masaafo dhan 1000 kiiloomitir dhanka Koonfurta kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Manila.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilka uu yimid ka dib markii ay ka baxday khadkii hawada ee loogu talagalay waxaana hadda socdo howlaha gurmadka.