6 ka mid ah dhibbanayaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii gaaska ka dhashay ee saameeyay aagga Mradi ee deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi ayaa dowladda dhexe ku eedeyay in ay dayacday.
Waxay dalbanayaan in magdhow la siiyo.
Dhinacyada dacwadda ay ka gudbiyeen waxaa ka mid ah maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee (NEMA), maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA), xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale waxay dacwad ka gudbiyeen milkiilaha haantii gaaska ee qaraxday Mwangi Nguyo, wasiirradda arrimaha deegaanka Soipan Tuya iyo dhigeeda tamarta Davis Chirchir.
Waxay dacwadooda ku sheegeen in qaraxaasi ka dib aan la qaadin tallaabooyinka habboon maadaama uu burbur soo gaaray ganacsiyadii goobtaasi ka ag-dhawaa badankooda.
Dhibbanayaasha ayaa doonaya in maxkamaddu ay amarto in dadkan la siiyo magdhow maadaama ay waxyeello soo gaartay.
Waxaa qaraxaasi ku dhintay in ka badan 10 qof iyadoo ilaa 300 oo kalena ay dhaawacmeen.