Hogaamiyaha fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa ka digay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland loo tixgelin doono “bartilmaameed militari”, iyadoo lagu dhaleeceeyay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
“Waxaan u aragnaa joogitaanka Israa’iil ee Somaliland bartilmaameed militari oo loogu talagalay ciidamadeenna qalabka sida, maadaama ay tahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, iyo khatar ku ah amniga gobolka,” ayuu yiri madaxa kooxda, Abdel-Malik al-Houthi, sida lagu sheegay bayaan ay daabacday warbaahinta Xuutiyiinta.
Israa’iil ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsanayso Somaliland, taasoo ah markii ugu horreysay ee Jamhuuriyadda iskeed isu magacowday oo sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay si keli ah uga go’day Soomaaliya.
Madaxa Xuutiyiinta ayaa ka digay in tallaabadani ay leedahay cawaaqib xumo, isagoo sheegay in aqoonsigu uu yahay “mowqif cadowtinimo ah oo lagu bartilmaameedsanayo Soomaaliya iyo agagaarkeeda Afrika, iyo sidoo kale Yemen, Badda Cas, iyo waddamada ku teedsan labada xeeb ee Badda Cas”.
Somaliland, oo muddo tobanaan sano ah ku dadaalaysay aqoonsi caalami ah, waxay boos istaraatiiji ah ka heysata Gacanka Cadan waxayna leedahay lacagteeda, baasaboorkeeda iyo ciidankeeda.
Falanqeeyayaasha gobolka ayaa sheegaya in isu soo dhawaansho ay la yeelato Somaliland ay siin doonto Israa’iil marin wanaagsan oo ay ku gasho Badda Cas, taasoo u suurtagelinaysa inay si fudud u weerarto fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.
Ka dib markii ay bilowday dagaalkii xasuuqa ahaa ee Gaza bishii Oktoobar sanadkii 2023, Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u weerartay bartilmaameedyo ku yaal Yemen si ay uga jawaabto weerarrada Xuutiyiinta ee Israa’iil, oo fallaagada Yemen ay sheegeen inay la midoobeen Falastiiniyiinta Gaza.
Xuutiyiintu waxay joojiyeen weerarradooda tan iyo markii xabbad joojin jilicsan ay ka bilaabatay Gaza bishii Oktoobar.




