DHEGEYSO:Xulafada Ruto oo uga digay Gachagua in uu siyaasadeeyo arrimaha waxbarashada

0
396

Xulafada isbahaysiga Kenya Kwanza ee uu hor kacaayay kaaliyaha madaxweyne William Ruto, Farouk Kibet, ayaa dhaliilay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, ka dib hadallo uu ka jeediyay arrinta meelaynta ardayda fasalka tobnaad ee dugsiyada ku yaalla gobolka Bartamaha dalka.
Iyagoo ka hadlayay munaasabad lacag ururin ah oo loogu talagalay haweenka, laguna qabtay degamda Sinoko ee deegaan doorashada Likuyani, hoggaamiyayaasha ayaa ku eedeeyeen Gachagua inuu adeegsanayo siyaasad kala qaybin ah, isla markaana uu waxbarashada u adeegsanayo dano siyaasadeed.
Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen shacabka deegaanka inay sii wadaan taageerada ajendaha horumarineed ee dowladda Kenya Kwanza. Isla goobtaas, ayay carrabka ku adkeeyeen mashaariicda horumarineed ee uu madaxweyne Ruto ka wado guud ahaan gobolka ballaaran ee Galbeedka, iyagoo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka.