DHEGEYSO:Xulafada Ruto oo dhaleeceeyn u jeediyay Uhuru

0
401

Hoggaamiyayaasha xulafada la ah madaxweyne William Ruto ayaa cambaareeyay hadal dhaawaan ka soo yeeray hoggaamiyihii hore ee qaranka Uhuru Kenyatta kaasoo sheegay in 3-dii sano ee la soo daafay xukuumadda Kenya Kwanza aysan qaban wax la taaban karo.
Iyaga oo uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayay hoggaamiyayaashan u sheegeen madaxii hore ee dowladda inuu dhexdhexaad ka ahaadoo arrimaha siyaasadda dalka uuna sharfo xafiiska madaxweynaha oo uu muddo 10 sano xilkiisa hayay.
Hoggaamiyayaasha ayaa ka kala hadlay dhowr xaflad oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka dhacay deegaanka Dhadhaab ee ismaamulka Gaarisa, Waqooyiga Mbeere ee Embu iyo ismaamullada Nairobi, Uasin Gishu, Nandi iyo gobolka Ukambani.