DHEGEYSO:Xiisad dagaal oo ka taagan ismaamulka Nakuru

0
638

Bandow todobo maalmood ah ayaa lagu soo rogay deegaanada Tipis iyo Mwisho wa Lami ee ismaamulka Nakuru ka dib markii iska hor imaad hor leh uu ka dhacay Mau Narok, kaasoo sababay dhimashada hal qof, sideed dhaawac ah, iyo 12 guri ah la gubay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagan deegaankaasi, iyadoo dowladda ay halkaasi geysay ciidamo aad u badan si ay xaalada u qaboojiyaan.