DHEGEYSO:William Ruto oo sheegay inuu yahay madaxweynaha ugu wanaagsan ee soo maray Kenya

0
463

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu yahay hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee Kenya soo maray.
Waxaa uu tani u aaneeyay inuu muddo 15 sano ahaa xildhibaan , muddo 10 sano ah inuu ahaa madaxweyne ku xigeen taasina ay tahay khibrad siyaasadeed oo ku filan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ee haysta heerka aqoonta jaamacadeed ugu sarreya ee shahaadada PhD-ka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu kulansaday sifooyinkii wanaagsanaa ee afartii madaxweyne ee isaga ka horreeyay.
Waxaa uu tilmaamay inuu leeyahay geesinnimadii Jomo Kenyatta , fahankii Daniel Arap Moi, aqoontii Mwai Kibaki iyo in ay Uhuru Kenyatta wadaageen hiigsiga horumarineed ee dalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in da’a ahaan uunan waayeel ahayn oo uu wax qaban karo .
Sidoo kale waxaa uu xusay inuunan ku soo barbaarin nolol hodontinnimo ah sidaasi awgeedna uu fahmaya baahiyaha qofka rayidka ah.
Xilli uu aqalka madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiinta ismaamulka Tharaka Nithi ayuu madaxweyne William Ruto xusay in aynan jirin sabab uunan ugu guulaysan dhaqangelinta qorshaha horumarineed.