DHEGEYSO:William Ruto oo difaacay la shaqeynta mucaaradka

0
209

Hoggaamiyaha dalka Willaim Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Narok waxaa uu difaacay maamulka dowladeed ee la ballaariyay ee uu ku soo daray xubno ka tirsan garabka mucaaradka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ku faraxsan yahay in tallaabadaasi ay qaranka u horseedday midnimo.
Ruto ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid cid gaar ah ama xisbi siyaasadeed loogu daneynaya.
Waxaa uu shacabka iyo madaxda ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan isagoo dhaliilay shakhsiyaadka ka soo horjeeda iskaashiga maamulka talada haya kala dhexeeya xisbiga mucaaradka ee ODM.