DHEGEYSO:Wiil adeerkiisa u dilay ciyaartii dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Chelsea

0
455

Dhacdo lagu tilmaamay mid murugo leh ayaa ka dhacday dowlad deegaanka Kiambu,ka dib markii wiil dhalinyaro ah uu adeerkiisa u dilay ciyaartii dhex martay kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo ay guusha raacday United.
Wiilka iyo adeerkiisa ayaa ciyaarta ka wada daawanayay goob khmariga lagu cabo oo ku taala xaafada Gitwanba ee ismaamulka Kiambu.
Ninka dilay adeerkiisa ayaa lagu magacaaba James Mbugua halka ninka la dilayna lagu magacaabi jiray Stephen Njoroge.
James Mbugua ayaa adeerkiisa u adeegsaday tooreey ka dib markii ay isku gafeen arrimo la xarriirta ciyaartaas.
Booliska ayaa bilaabay in ay dhacdadan baaritaan ku sameeyaan.