DHEGEYSO:Wasiirka tacliinta oo ka hadlay soo jeedin la xiriirtay maadada xisaabta oo aan la tixgelin

0
632

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa cadeeyay in ardayda dhigta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee waddanka ay sii wadi doonaan barashada maadada xisaabta.
Ogamba ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankan la gaaray ka dib wada tashiyo ballaaran oo lala yeeshay daneeyayaasha arrimaha tacliinta iyo machadka horumarinta manaahijta dalka ee KICD.
Wada tashiyada ayaa ku saabsanaa manhajka waxbarashada ee CBC-da ee ku saleysan in ardayda xilli hore laga dhiso dhanka karaanka .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan la tixgelin soo jeedin ahayd in ardayda aan qasab looga dhigin qaadashada maadada xisaabta.
Migos ayaa xusay in ururka macallimiinta ee (KUPPET) uu ku dooday in haddii ardayda loo oggolaado in ay kala door-bidaan barashada xisaabta iyo in aynan maadadan qaadan , ay saameyn ku imaan karta halbeegyada tacliinta ee dalka.
Dhanka kale , waxaa uu maamuleyaasha dugsiyada ka codsaday in ay shahaadooyinka siiyaan ardayda dhameeyay imtixaanaadka KCPE-da ee KCSE-da.
Wasiirka ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in ardayga laga haysto shahaadada sidoo kalena aynan cadaalad ahayn.
Waxaa uu arrintan ku tilmaamay mid lagu ciqaabaya qaar ka mid ah ardayda iyadoo qiil looga dhigaya in aynan weli bixin qarashaadka waxbarashada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in baarlamaanka uu baaritaanno dabagal ah ku sameynaya sababta keentay in qaar ka mid ah macallimiinta aan muddo dheer la dallacsiin.