Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin xaaladaha umul-raaca hooyooyinka ee laga soo tabiyo isbitaalka ismaamulka Garissa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan ay umul-raaceen 17 hooyooyin ah.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in arrintaasi guddi loo saaray oo la ogaaday in uu jiray khalad dhanka dhakhaatiirta ah.
Waxaa uu faray in dhakhtar kasta oo howshaasi ku lug lahaa tallaabo laga qaado haddii kale in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay kala laabanaysa leesinka ama oggolaanshaha uu ku shaqeeyo.
Wasiir Aadan Barre Ducaale ayaa dhanka kale soomaalida ku boorriyay in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka ee SHA isagoo xusay in aan wax lacag ah laga qaadi karin qof ay la soo daristay xaalad caafimaad oo degdeg ah.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale xilli uu maanta marti sharaf ka ahaa xafladda 8-aad ee qalin jabinta ee xarunta islaamiga ee Daarul Aafaaq ee ismaamulka Garissa ka hadlay mashaariicda waddooyinka iyo caqabadda dhanka korontada ee ka jirta Garissa.