DHEGEYSO:Wasiirka adeegga dadweynaha oo ku baaqay in la xiro saraakiisha sameeya musuqmaasuqa

0
628

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha, horumarinta karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Geoffrey Ruku ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ugu baaqay inuu xabsiga u taxaabo saraakiisha dowladda ee ku howlan falalka wax isdaba marinta.
Waxaa uu wasiirka ugu baaqay shaqaalaha dowladda in ay dadweynaha ugu adeegaan si hufan.
Waxaa uu sheegay in maamulka madaxweyne William Ruto uunan marnaba u dulqaadan musuqmaasuqa iyo habacsanaanta dhanka shaqada.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya cid kasta oo ku lug lahaata falalka musuqmaasuqa iyo lunsashada lacagaha dadweynaha.