Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha ee dalka Mr. Geoffrey Kiringa Ruku oo saaka wareysi gaar ah siinayay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii la isugu dheellitiri lahaa howlwadeennada .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay xoogga saarayaan in dadka lagu shaqaaleysiiyo aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo.
Waxaa uu tilmaamay in dastuurka dalka uu qabo in shaqaalaha dowladda la isku dheellitiro iyadoo lagu saleynaya jinsiyadda iyo matalaadda goboleed.
Dhanka kale, waxaa uu ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe ku bixinaysa in laga hor tago in qof kenyaan ah uu macluul awgeed u dhinto.
Wasiirka ayaa faahfaahiyay tallaabooyinka ay waaxda barnaamijyada gaarka ah ka wado meelaha lagu tilmaamo oomanaha.