DHEGEYSO:Wasiirka adeegga dadweynaha oo digniin u diray shaqaalaha dowladda

0
624

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Kiringa Ruku ayaa digniin u diray shaqaalaha dowladda ee aan iska xaadirin goobaha shaqada ama aan tagin xilligii loogu talagalay.
Waxaa uu cadaalad darro ku tilmaamay in kenyaanka ay muddo sugaan howlwadeennada la doonaya in ay u adeegaan.
Digniintan ayuu diray ka dib markii uu socdaal lama filaan ah ku gaaray mid ka mid ah goobaha dadweynaha isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la isugu dulqaadan doonin dhaqanka noocani ah.
Ruku ayaa amar ku bixiyay in bannaanka lagu reebo shaqaalihii soo dib dhacay.