Wasiiradda wasaaradda Jinsiyadda, Dhaqanka iyo Arrimaha Carruurta ee dalka Hannah Cheptumo ayaa ku talisay in wax laga beddelo xeerarka degsan si ay weligood xabsiga ugu jiraan shakhsiyaadka tacaddiga galmo u gaysta carruurta.
Waxay arrin laga xumaado ku tilmaantay in mararka qaar ay xadgudubyadan sameeyaan dad ka mid ah ehellada dhibbaneyaasha.
Baaqan ayay jeedisay xilli ay ka qayb gashay munaasabad lagu daahfurayey maxkamadda carruurta ee Kilifi.
Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi Flora Mbetsa Chibule ayaa dhankeeda codsatay in waaxyaha dowladda ay iska kaashadaan la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhanka ah carruurta.




