DHEGEYSO:Wasiir Ruku oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay cirib tirka musuqmaasuqa

0
795

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Geoffrey Kiringa Ruku ayaa sheegay in dowladda talada haysa ay ka go’an tahay cirib tirka musuqmaasuqa.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay hadalkii uu dhawaan jeediyay madaxweynaha qaranka William Ruto ee ahaa in musuqmaasuq uu saameeyay baarlamaanka iyo aqalka sare.
Ruku ayaa sidoo kale xusay in ay xaqiijinayaan in dhammaan carruurta kenyaanka ah ay helaan fursado siman.
Waxaa uu mar kale dadweynaha ku boorriyay in ay ka taxadaraan saameynta daadadka ka dhalan karo roobabka culus ee da’aya.