Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , horumarinta karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Mr. Geoffrey Ruku ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda ka codsaday in bishan Siddeedaad ee August ay ku labistaan dareeska cayaartooyda xulka qaran ee Harambee Stars.
Waxaa uu sheegay in laga soo billaabo madaxweynaha , ku xigeenkiisa , wasiirrada , shaqaalaha waaxyaha dowladda iyo kuwa ismaamullada ay xiran karaan labiskan marka ay ku sugan yihiin xaafiisyadooda.
Wasiir Ruku ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka aan laga doonayn in ay baaqan tixgeliyaan.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay muujinaysa waddaniyad sidoo kalena ay niyad dhis u noqonaysa cayaartooyda xulka qaran ee kubadda cagta ee Harambee Stars oo ka qayb galaya tartamada qaramada Afrika ee CHAN oo bishan socon doono.
Wasiir Ruku oo baaqan diray xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu ayaa yidhi.
Shalay galab ayay ahayd markii Harambee Stars ay dhiggooda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC kaga badiyeen 1-0 waxaana si wayn ugu hambalyeeyay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay madaxweynaha dalka William Ruto.