DHEGEYSO:Wasiir Mvurya oo difaacay shaqooyinka dhallinyarada looga raadinaya dibadda

0
202

Wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalka Salim Mvurya ayaa difaacay qorshaha ay dowladda dhexe fursado shaqo uga raadinaysa qurbaha.
Waxaa uu sheegay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in la xalliyo caqabadda shaqo la’aanta ee ay wajahayaan da’yarta kenyaanka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay wado barnaamij ay ku kobcinaysa dhaqaalaha dhallinyarada.