DHEGEYSO:Wasaarada adeega dadweynaha oo digniin ka soo saartay shaqaalaha ku hawlan wax-is-dabamarinta

0
110

Wasaaradda shaqaalaha dawladda ayaa ku dhawaaqday hawlgal guud oo dalka oo dhan ah oo lagu beegsanayo saraakiisha musuq-maasuqa ka shaqeeya ee ku hawlan wax-is-dabamarinta nidaamka mushahar bixinta ee dawladda, iyadoo hawl-galku uu bilaabmayo toddobaadkan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha adeega dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa digniin culus u diray shaqaalaha rayidka ah ee ku howlan wax isdaba marinta, isagoo sheegay in cidii lagu helo dambiga ay wajihi doonaan shaqo ka ceyrin deg deg ah iyo sharciga.
Waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la lunsado hantida dadweynaha.