Guddiga aqalka senetka ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka oo kormeer ku tagay dowlad deegaanka Kitui ayaa soo arkay xaalad caafimaad oo liidata taasi oo ka jirta ismaamulka Kitui.
Dhakhaatiirta ayay ugu baaqeen in ay kor u qaadaan tayada caafimaadka ee Kitui.
Tabitha Mutinda oo ka mid ah senetarada dalka ayaa sheegay in ay soo arkeen hal sariir oo ay ku jiifaan lix qof oo bukaan ah taasi oo ay walaac ka muujisay.




