Ururka Duuliyayaasha Diyaaradaha Kenya (KALPA) ayaa walaac ka muujiyay hakad ku yimid duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) iyo guud ahaan hawada dalka.
Tan ayaa sababtay ka dib tallaabo shaqo joojin ah ay qaadeen xubno ka tirsan Ururka Shaqaalaha Duulista Kenya (KAWU), oo ay ku jiraan shaqaalaha Xakamaynta Hawada (ATC).
War-saxaafadeed ay soo saartay Talaadada maanta , KALPA waxay ku sheegtay in tallaabada ay keentay dib u dhac ku yimid duulimaadyada,iyadoo ay baaqdeen safarro badan oo dibadda ah.
Qaar ka mid ah dadkii ka baaqday safaradooda dibadda ah oo la hadlay warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid safarkooda.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Walaac laga muujiyay hakad ku yimid duulimaadyada garoonka diyaaradaha JKIA




