Qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Isiolo ayaa si adag uga soo horjeestay eedeyn loo jeediyay oo ahayd in ay si khiyaano ku saleysan u ansixiyeen miisaaniyadda dowlad deegaankaasi.
Miisaaniyadda ayaa ah 7 bilyan oo shilin.
Siyaasiyiintan oo uu hor kacayay ku xigeenka guddoomiyaha golaha hoose ee Isiolo David Lemantile oo sidoo kale ah wakiilka deegaanka hoose ee Oldonyiro ayaa sheegay in eedeyntan ay ka dambeeyaan shakhsiyaad aynan magacdhawin.
Waxaa uu xusay in arrimahan ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonaya in khalkhal lagu geliyo xasilloonida iyo siyaasadda dowlad deegaankaasi.
Francis Letimalo oo si magacaabid ah ugu biiray golaha ayaa sheegay in miisaaniyadda ay ansixiyeen 9 wakiil oo ka mid ah 18 golaha ku sugnaa taasina ay waafaqsan tahay kooraamka la doonayay.