DHEGEYSO:Wakiilka laga soo doortay Waaberi ee Garissa oo faah faahin ka bixiyay caqabadaha ka jira deegaankaas

0
29

Wakiilka laga soo doortay waaxda Waaberi ee Magaalada Garissa Abubakar Xaaji Sugow oo saaka marti inoogu ahaa Barnaamijka Hoggaanka Star ayaa ka warbixiyay waxyaabo badan oo ku saabsan Hormarka Waaberi.
Waxaa uuna ka hadlay caqabadaha dhanka musqulaha ee ka jirtay suuqa xoolaha ee Garissa.

Waxaa uuna sido kale sheegay in isbitaalo hooyada iyo dhallaanka ah laga hirgalin doono qeybo ka mid ah Waaberi.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday caqabadaha waddooyiinka eek a jirta waaxda Waaberi ee laga soo doortay.

Ugu dambeyn wakiilka Waaberi Abubakar Sugow waxaa uu faah faahin naga siiyay arrimaha korontada iyo nalalka lagu xiray waddooyiinka Waaberi.