Wakiilada Haweenka ee ismaamulka Wajeer, Fatuma Cabdi Jeexoow, ayaa si rasmi ah u shaacisay sanduuq dhaqaale oo cusub oo lagu garab istaagayo bulshada deegaanka, gaar ahaan haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada xoolaha.
Barnaamijkan cusub ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xoojiyo qeybta dhaqaalaha xoolaha ee muhiimka u ah gobolka Wajeer, iyadoo la doonayo in dadku helaan fursado ay ku iibsadaan xoolo iyo inay ganacsiyadooda ku horumariyaan, taasoo horseedi karta koboc dhaqaale oo waara oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Fatuma Jeexoow ayaa sheegtay in dhaqaalaha xoolaha uu yahay laf-dhabarta nolosha dadka Wajeer, ayna rajeynayso in dadaalkan uu beddelo nolosha qoysas badan oo reer miyiga iyo magaalooyinka ah.
Xilli ay la hadleysay shacabka Wajeer, Jeexoow ayaa caddeysay in deeqdan la siin doono si wareegto ah, iyadoo la filayo in la soo celiyo lacaga dadka ay amaahdeen si barnaamijka uu usii jiro, ayna uga faa’iideystaan dad kale mustaqbalka.
Waxaa ay sidoo kale tilmaantay in barnaamijyo noocan ah ay guulo ka gaareen gobollo kale, Wajeerna hadda ay haysto fursad ay kaga faa’iidaysato barnaamijkan.
Intaa waxaa dheer, Fatuma Jehow ayaa dhawaan ka qeyb gashay kulan lagu wacyigelinayay ganacsatada xoolaha oo lagu qabtay Wajeer, kaasoo diiradda lagu saaray suuq-geynta iyo xiriirinta ganacsatada gobolka.
Kulankaas ayaa noqday mid guul leh, iyada oo bulshadu si weyn u muujisay xiisaha ay u qabto horumarinta ganacsiga xoolaha.
Gunaanadkii hadalkeeda, waxaa ay xasuusisay bulshada in loo baahanyahay in si mas’uuliyad leh loo maamulo dhaqaala ahan.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Wakiilada Haweenka Wajeer oo Daahfurtay Sanduuq Cusub oo Lagu Taageerayo Koboca Dhaqaalaha...