Cumar Cabdullahi oo ah guddoomiyaha nabadgalyada ee deegaanka hoose ee Iftiin Ward ee ismaamulka Garissa ayaa waalidiinta galbeedka Iftiin, dowlad deegaankaasi iyo si guud kuwa gobolka Waqooyi Bari ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda si aan loogu duufsan arrimaha tahriibka.
Waxaa uu dhanka kale baaq u diray madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo dhawaan ku andacooday in dowladdu ay meesha ka saartay turxaan bixin si ay ajaaniib u helaan aqoonsiga qaran.
Maamulka talada dalka haya ayaa horay u shaaciyay in la soo afjaray turxaan bixin dheeraad ah oo la marin jiray dadka xoolo dhaqatada ah marka ay raadsanayaan aqoonsiga qaran waxaana tallaabadaasi lagu micneeyay mid dhammaan kenyaanka u suurtagelinaysa in ay si siman u helaan dokumeentiyada muhiimka ah.