DHEGEYSO:Waalidiin caraysan oo gudaha u galay dugsi ku yaala ismaamulka Kirinyaga

0
176

Hawlaha waxbarasho ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kangai Mwea ee Dowlad deegaanka Kirinyaga ayaa hakad galay ka dib markii waalidiin careysan ay ka mudaaharaadeen kharashka khidmadaha.
Iyagoo sita boorar iyo laamo, waalidiintu waxay galeen dugsiga waxayna ku eedeeyeen maamulaha inuu kordhiyay kharashaadka
Waalidiintu waxay ku eedeeyeen macallimiinta inay kordhinayaan lacagaha inkastoo dowladdu ay ku dhawaaqday inay bilaash tahay waxbarashada aasaasiga ah.
Dibadbaxayaashu waxay galeen fasallada halkaas oo ardaydu lagu qasbay inay ka baxaan skuulka.