DHEGEYSO:Taliyaha booliiska Gobolka Xeebta oo digniin u diray siyaasiyiinta hurinaayo colaada ka taagan Tana River

0
158

Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta Nuno Dubat ayaa uga digay siyaasiyiinta ka soo jeeda ismaamulka Tana River iyo kuwa Gobolka Waqooyi Bari inay kiciyaan dadka deegaanka. Waxaa uu sidoo kale xaqiijiyay in muddo 60 maalmood gudahood ay dowladda ku dhawaaqi doonto howlgal hub ka dhigis ah oo laga sameyn doono guud ahaan Tana River.
Nuno ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Bangale halkaas oo uu kulan amni oo miro dhal ah la yeeshay daneeyayaasha amniga ee dowlad deegaanka.