DHEGEYSO:SUPKEM oo baaq ka soo saartay arrintan ka taagan Quba

0
784

Culimada ismaamulka Garissa ayaa baaq la xiriira midnimada iyo wadajirka ka soo saaray muran maalmahan la hadal hayay oo la sheegay inuu saameeyay markaska Quba ee ay tabliiqda hoggaamiso ee Garissa.
Sheekh Xasan Cabdi oo ah qansad-hayaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee Supkem laantiisa dowlad deegaanka Garissa ayaa baaqan diray.

Sidoo kale , Sheekh Xasan Cabdi ayaa dadweynaha deggan agagaarka markaska Quba uga digay in ay boobaan dhulka xaruntaasi islaamiga ah isagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintan soo farageliso.