DHEGEYSO:Simba Arati oo baaq u jeediyay Ruto, Uhuru iyo Kalonzo

0
571

Barasaabka ismaamulka Kisii Simba Arati ayaa ka codsaday Madaxweynahii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga Wiper Patriotic Front (WPF) Kalonzo Musyoka inay dib ugu biiraan xisbiga ODM.
Isagoo Sabtidii ka hadlayay dowlad deegaanka Kisumu, Arati ayaa waxaa uu sheegay in labada hoggaamiye ay sharfi karaan Raa’iisul Wasaarihii hore ee geeriyooday Raila Odinga iyagoo dib ugu biiraya xisbiga ODM ka hor doorashada guud ee 2027.
Ku xigeenka hoggaamiyaha ODM ayaa sidoo kale madaxweyne Ruto ka codsaday inuu dib ugu soo laabto xisbiga.
Hadalka Arati ayaa yimid ka hor shirka golaha dhexe ee ODM ee loo qorsheeyay Isniinta 27-ka bishan October ee 2025-ka.