Qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiga ODM ayaa si weyn uga hor yimid weerarka afka ah oo uu dowlada ku hayo senetarka Nairobi Edwin Sifuna.
Sifuna ayaa marar badan ku celiyay in qorshahiisa uu yahay in madaxweyna William Ruto loo diro guriga doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Hadalka Sifuna ayaa loo arkay in ay kala gaynayso midnimada xisbiga ODM xili xisbigaas uu ku biiray xukumada.
Senetarka laga soo doortay ismaamulka Garissa Abdull Xaji ayaa arrintani ka hadlay.