13 qof ayaa xalay ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay deegaanka Kapkatet ee ku teedsan waddada weyn ee Kaplong iyo Kericho.
Shilkan oo u dhexeeyay saddex baabuur oo uu ku jiro gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray 11 qof .
Baaritaannada hor dhaca ayaa muujiyay in darawalka gaariga raaxada oo sarqaansanaa uu sababay shilka.
Dadka dhaawacmay ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaallada Kaplong iyo Kapkatet.
Sida dadka deegaanka ay sheegeen shilka ayaa ah midkii 7-aad ee aagga ka dhaca intii uu sanadka billowday waxaa ayna dowladda ka codsadeen inay waddada ku sameyso adeegga yareeyo xowliga baabuurta.