DHEGEYSO:Shacabka Makongeni oo la siiyay 5 maalmood oo kama dambeys eh si ay uga guuraan aaga

0
33

Dadka deggan xaafadda Makongeni ee magaalada Nairobi ayaa la siiyay shan maalmood inay ka baxaan guryahooda si loogu oggolaado burburinta inay bilaabato si ay dowladda uga dhisto xaafadda guryaha la awoodi karo.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka deganaa xaafaddan muddo ka badan 60 sano ayaa weli ka labalabeynaya guritaanka, iyagoo ku eedeynaya dowladda inay carqaladeynayso noloshooda.
Dowladda ayaa dhankeeda waxaa ay ku adkeysatey in dadka deggan xaafaddan la siin doono fursadda ugu horreysa ee ay ku iibsan karaan qaar ka mid ah guryaha, iyagoo ballanqaaday in Makongeni-ga cusub ay u oggolaan doonto bulshada inay soo laabtaan oo ay dib u dhistaan.
Sida laga soo xigtay dowladda, in ka badan 3,000 oo qof oo deggan xaafadda ayaa midkiiba helay 150,000 oo shillinka dalka ah si loo fududeeyo guritaanka.
Si kastaba ha ahaatee qaar kale ayaa sheegay inaysan weli helin lacagtooda magdhowga iyadoo kuwa helay ay sheegayaan inay 150,000 ay ka yartahay lacagta ay u baahan yihiin si ay dib ugu bilabaan noolashooda.