DHEGEYSO:Senetarka Nairobi oo ku adkaysanaya inuu wali yahay Xoghayaha Guud ee ODM

0
248

Senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa ku adkaystay inuu weli yahay Xoghayaha Guud ee sida saxda ah loo doortay ee Xisbiga (ODM) inkastoo laga xayuubiyay xilka Arbacadii.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Khamiista maanta ah, saacado ka dib markii xilka laga qaaday, Sifuna wuxuu ku adkaystay in xilka laga qaaday uu sharci darro yahay, welina uu yahay xog’hayaha si sax ah loo doortay, isagoo ku andacoonaya in xilka laga qaaday uu ku xiran yahay wadahadallada dib-u-doorashada ee Madaxweyne William Ruto.
Waxa uu sidoo kale eedayn u jeediyay dhowr qof, oo uu sheegay inay aad uga go’an tahay inay kala qaybiyaan xisbiga.
Wuxuu ku dooday in xilka laga qaaday ay tahay ugaarsi siayasadeed oo lagu doonayo in lagu taageero hoggaanka Madaxweyne Ruto, isla markaana aysan jirin wax sharci ah oo u oggolaanaya in laga qaado xilka uu hayay muddo sagaal sano ah.
“Dambigeyga kaliya ayaa ah inaan diiday oo aan ka soo horjeestay qorshe kasta oo xisbiga dhexdiisa ah si aan u taageero dib-u-doorashada Madaxweyne William Ruto ” sababtoo ah waxaan haystay mowqif adag oo ah in dalkani uusan qaadi karin shan sano oo kale oo kala qaybsanaan ah, karti la’aan iyo khaladaad ba’an,”.

Senetarka Nairobi ayaa sidoo kale ka hor yimid eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu u hoggaansami waayay qaraarrada xisbiga, isagoo sheegay in aan waligiis loogu yeerin kooxda sharciga ee ODM si ay su’aalo u weydiiyaan.
Xildhibaan Babu owino iyo James Orengo ayaa iyaguna ka soo horjeestay xil ka qaadista Sifuna ,waxaa ayna sheegeen in aan la aqbali karin.