DHEGEYSO:Samuel Omondi oo laga soo saaray 7 xabo oo rasaasta caaga ah ka dib dibadbaxyadii Talaadada

0
136

Samuel Omondi Okoth, oo ah 21 sano jir ayaa rajo ka qaba inuu dib ugu soconi doono lugahiisa ka dib markii uu ka badbaaday rasaas lala beegsaday intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii Talaadadii hore.
Omondi ayaa sideed xabad looga toogtay dhabarka iyadoo la adeegsanayo rasaasta caaga ah iyadhoo hadda dhakhaatiirta isbitaalka Kenyatta ay ku guuleysteen inay soo saran 7 ka mid ah rasaasta.
Si kastaba ha ahaatee rasaasta 8-aad ayaa ku jirta laf dhabartiisa taasoo ay hadda dhakhaatiirta Kenyatta ay sheegeen inuu khabiir ku takhasusay culuunta laf dhabarta uu isku dayi doono inuu sameeyo qaliinka toddobaadka soo socda.
Samuel ayaa waxaa uu ku andacoodey in isla askarigii toogtey Boniface Kariuki oo ahaa mid ka mid ah weertada magaalada Nairobi uu isagana toogtay.
Waxaa sidoo kale dhaawac u jiifaa qaybta lafaha ee isbitaalka Kenyatta Francis Oduor oo ay si lama filaan ah xabad uga heshay lugta isaga oo ka soo baxay shaqada oo u socda gurigiisa.
Labadan nin oo dareenkooda warbaahinta la wadaagay xilli ay ku sugnayeen qaybta lafaha ee isbitaalka Kenyatta ayaa waxaa hadalkooda ka mid ahaa.