DHEGEYSO:Safaricom Foundation oo daahfurtay mashruuc ay ku baxaysa 100 milyan

0
723

Shirkadda tabarucaadda ee Safaricom Foundation ayaa daahfurtay wajiga 7-aad ee mashruuca Ndoto Zetu.
Waxaa ku baxaysa lacag dhan 100 milyan oo shilin tani oo sii xoojinaysa saameynta mashaariicda wax ka beddelaya nolosha bulshada ee dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo awoodsiinta dhaqaale guud ahaan 47-da ismaamul ee waddanka.
Safaricom Foundation ayaa tan iyo markii ay billowday barnaamijka Ndoto Zetu oo loola jeedo riyooyinkeenna waxay ku bixisay lacag dhan 500 oo milyan oo shilin.
Mashruucan oo la aasaasay sanadkii 2019, ayaa gacan ka gaysta xallinta caqabadaha bulshada.
Wajiga 7-aad ee mashruucan ayaa lagu daahfuray dugsiga ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Waxaa halkaasi lagu qaybiyay agab iyo mashiinno gacan ka gaysanaya qaybta farsamada ee xaruntaasi.
Ruth Munziru oo ka mid ah dadka ka faa’iidaystay barnaamijkan ayaa dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta.

Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Dr.Peter Ndegwa, ayaa sheegay in hindisaha Ndoto Zetu uu yahay mid kenyaanka u rumeeya riyooyinkooda.
Tani iyo markii la billaabay , waxaa uu si toos ah u beddelay nolosha in ka badan 3 milyan oo qof oo ku kala nool dhammaan ismaamullada Kenya.
Keliya sanadkii hore, Safaricom Foundation waxay wareejisay in ka badan 400 oo mashaariic ah oo isugu jiray 294 oo dhanka tacliinta ah , caafimaadka (52) iyo awoodsiinta dhaqaale ( 54).