Madaxweyne William Ruto ayaa seegay in dhismaha garoon cusub oo ku yaal Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta JKIA iyo kordhinta Tareenka khadka SGR ay xoojin doona mudnaanta kaabayaasha dhaqaalaha ee dowladda sanadka 2026.
Mashruucyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu ballaarinayo gaadiidka, saadka iyo kaabayaasha waraabka iyadoo maamulku uu doonayo inuu Kenya ka dhigo xarun ganacsi iyo maalgashi oo goboleed iyadoo la dhimayo kharashka lagu sameeynayo ganacsiga.
Madaxweyne Ruto, oo khudbaddiisa Sannadka Cusub ka jeedinayay Eldoret, ayaa sheegay in dowladdu ay si dhakhso ah u wadi doonto shaqooyinka waddooyinka socda iyo inay hirgelin doonto waddooyin cusub si loo taageero dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka oo dhan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la bilaabayo waddo cusub oo khadka SGR ah oo isku xirta Naivasha iyo galbeedka Kenya iyo gobolka oo dhan, iyadoo ay weheliso maalgashiyo waaweyn oo waraabka ah oo loogu talagalay in lagu kobciyo wax soo saarka beeraha.
“Waxaan sidoo kale bilaabi doonnaa dhismaha garoon diyaaradeed oo casri ah oo heer caalami ah oo ku yaal Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, si aan qarankeenna ugu meel dhigno caasimadda duulista ee gobolkeenna iyo inaan kor u qaadno waaxyaha ganacsiga iyo dalxiiska,” ayuu yiri Ruto.
Xilli uu diray fariintiisa sanadka cusub, Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in sanadka 2026 uu yahay sanadka waxyaaba badan uu qabsoomi doono.
Wuxuu xusay in kaabayaasha wadooyiinka ay ka mid yihiin waxyaabaha ay dowlada sareyso.




