DHEGEYSO:Raila oo maxkamadda geynaya dacwad lagu badbaadinaya dhulka masjid ku yaalla Kwale

0
311

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad looga hor tagaya dhaca dhulka masjidka qadiimiga ah ee Congo ee ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu dhul 16 eekar ah bixiyay xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha qaranka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dacwaddan laga qayb gelin doono guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Mr. Odinga ayaa xusay in qareenkiisa Paul Mwangi uu arrintan xoogga saari doono ilaa laga xaqiijinaya badbaadinta dhulka masjidka Congo ee Kwale.
Waxaa uu ku taliyay in la aasaaso labo waqaf oo kala ah midka masaajidka Congo iyo Xarunta islaamiga ee Kwale oo sabarjoogooyin loo sameeyo.
Raila Odinga waxaa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo lacag uruurin ay dad badan ka qayb qaadanayaan si halkaasi looga dhiso xarunta shirarka caalamiga ee islaamiga iyo maqaaxida nasashada ee Kwale oo uu sheegay in kuwo la mid ah ay ka jiraan dalalka Indonesia, Malaysia iyo Sacuudi Carabiya.
Madaxa xisbiga ODM ayaa dhaliilay maxkamadaha oo uu sheegay inuu musuqmaasuq ka dhex jiro.
Xilli uu arrintan ka hadlayay ayuu Raila Odinga yidhi.